Muqdisho (Caasimada Online) Sida ay soo sheegeen wariyaasha Shabakadda Caasimada Online, ee ku sugan xarunta baarlamaanka waxaa la soo gabagabeeyay doodda xildhibaannada baarlamaanka, waxaana billaabatay in cod loo qaado mooshinka laga keenay raysal wasaaraha Soomaaliya.
In ka badan 40-xildhibaan ayaa maanta ka hadlay mooshinka laga keenay raysal wasaaraha, waxaana mudanayaasha baarlamaanka ay u badnaayeen kuwa ka soo horjeeda mooshinka.
Guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo shirka guddoominaya, ayaa hadda akhrinaya magacyada xildhibaannada fadhigga jooga iyo kuwa maqan.
Jawaari ayaa sheegay in cod qaadista ay noqon doonto mid gacan taag, wuxuuna sheegay in codka kal soonida ay noqon doonto seddex qayb oo kala ah, Haa, Maya iyo in laga Aamuso.
Guddoomiyaha waxaa kaloo uu sheegay in uusan isaga codeen doonin ilaa inta codadka ay ka noqanayaan mid barbardhac ah.
Wuxuu kaloo Jawaari uu tilmaamay in codka kalsoonida ay noqon doonto mid saf saf ah.
Xildhibaannada baarlamaanka ayaa hadda si toos u billaabay codeynta mooshinka kala noqoshada raysal wasaaraha waxaana fadhigga ku sugan 250-mudane.
Faah-faahinta kala soco Shabakadda Caasimada Online