Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan siyaasiyiinta mucaaadka ayaa soo saartay bayaan culus oo ay uga hadashay xaaladda dalka, gaar ahaan qorshaha muranka badan dhaliyay ee ay waddo Villa Somalia.
Mucaaradka ayaa warsaxaafadeedka ay soo saareen waxa ay uga horyimaadeen kulamada uu qabanayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee loo ballansan yahay, iyaga oo shuruud adag ku xigay ka qayb-galka gogosha uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shaki wayn ka muujiyay shirka uu qabanayo Xasan Sheekh, waxayna sheegeen inuu taageero ugu raadinayo qorshihiisa, laakiin waxa ay taasi beddalkeeda dalbadeen in shirka uu noqdo mid xal looga gaaro khilaafka ka taagan dalka.
“Madashu waxa ay u aragtaa kulmada uu Madaxweynuhu qabanaayo 15-ka iyo 22-ka bishaan inay yihiin kuwa oo uu taageero ugu raadinaayo jidkii uu horay ugu joogay ee sababay khilaafka iyo kala aaminbaxa” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka mucaaradka.
Sidoo kale, Madasha ayaa shaaca ka qaaday in tallaabadan ay dhaawaceyso niyad wanaagii ay markii hore kusoo dhaweysay gogosha uu dhigay Madaxweynaha, ayna niyad-jabineyso shacabka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah ee rajada ka qabay gogosha taalla.
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa sidoo kale farriin culus u dirtay Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna ka dabatay inuu qabto wada xaajood dhab ah oo lagu wajahayo xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Waxaa kale oo ay intaas kusii dartay in Madashu ay u taagan tahay sidii loo ilaalin ahaa midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, looguna gudbi laaha xaaladda taagan
“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay mar walba u taagan tahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka mucaaradka.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, xilli haatan Villa Somalia ay waddo qaban qaabadii ugu dambeysay gogosha uu dhigay Madaxweynaha, iyada oo kulamo gaar gaar ah lasii bilaabay kuwaas oo uu Xasan Sheekh la qaatay ururadii is diiwaan-geliyay iyo bulshada rayidka ah.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxlad adag, waxaana taaan khilaaf culus oo u dhexeeya dowladda fedeeraalka, qaar kamid maamul goboleedyada dalka iyo xubnaha mucaaradka.