Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka (NISA) ayaa shaacisay in howl-gal qorsheysan lagu khaarajiyay afar horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo kamid ah madaxda kooxda ee sida weyn loo raadinayo.
Howl-galka oo si gaar ah loo qorsheeyay ayaa ka dhacay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay horjoogayaasha Shabaabka iyo maleeshiyaad badan.
Howl-galkan oo ay iska kaashadeen ciidanka hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka ayaa waxaa lagu dilay horjooge Cabdullaahi Xasan Cumar, oo Al-Shabaab ugu magacownaa waxa ay ugu yeeraan Amniyaadka Hirshabeelle.
Sidoo kale waxaa howl-galka lagu dilay horjooge lagu soo koobay magaciisa Cusaam, oo ka tirsanaa qaybta Maaliyadda; iyo labo horjooge ah, kuwaasi oo kala ahaa Horjooge Qudaame Dheere iyo Cabdul Ladhiif.
Ciidamada ayaa si gaar ah u beegsaday xarun ay horjoogeyaashan ku sugnaayeen, iyada oo si buuxda loo soo afjaray dhammaan horjoogeyaashan iyo ku dhowaad 10 ka tirsan maleeshiyaadka Argagixisada.
Howl-galkan ayaa qeyb ka ah bartilmaameedyada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ay kula dagaalamayaan kooxda Al-Shabaab.


