Nairobi (Caasimada Online) – Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashiga amniga, nabadda iyo horumarinta bulshada kadib shir taariikhi ah oo ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya 4-5-tii October 2025, sida lagu sheegay war-murtiyeed si wadajir ah loo soo saaray.
Shirkan oo ay ka qayb galeen wasiirro iyo saraakiil sare oo ka kala socday labada dhinac ayaa lagu falanqeeyay xaaladda amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan sida loo xoojin karo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo iskaashiga dhinacyada la-dagaalanka argagixisada.
“Labada dhinac waxay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan la-dagaalanka argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish, iyadoo la mideynayo qorsheyaasha amniga ee ka dhanka ah kooxaha fulinaya falalka argagixisanimo ee xuduudaha labada maamul,” ayaa lagu yiri bayaanka.
War-murtiyeedka ayaa sidoo kale xusay in labada dhinac ay isla qaateen in la xoojiyo iskaashiga amniga badda, iyadoo diiradda la saarayo la-dagaalanka dambiyada badda iyo tahriibka. Waxaa lagu heshiiyey in la dhiso guddiyo amni oo wadajir ah si loo xaqiijiyo bad-qabashada iyo isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee dhex-marta xeebaha labada maamul.
Labada maamul ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo soo afjaro colaadihii ka dhacay Ceerigaabo iyo deegaannada hoos yimaada, lana fududeeyo dib-u-celinta dadka barakacay.
Shirku wuxuu ammaanay gogosha nabadda ee uu dhigay Madaxweynaha Somaliland, wuxuuna ku boorriyay dadka deegaanka inay ka qayb qaataan dadaallada lagu xoojinayo deganaanshaha.
“Dadka barakacay waa in si nabad iyo kalsooni leh ugu soo laabtaan guryahooda,” ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka, iyadoo lagu daray in Puntland ay kaalin muuqata ka qaadanayso qabsoomidda gogosha nabadda ee Ceerigaabo.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa ku heshiiyey in la xoojiyo isu-socodka bulshada iyo ganacsiga, lana hirgeliyo kaabayaal dhaqaale oo kor u qaada xiriirka ganacsi ee labada dhinac.
Waxaa lagu tilmaamay in tallaabadani ay muhiim u tahay kobaca dhaqaalaha, xasillinta bulshada iyo abuuridda jawi iskaashi oo waara.
War-murtiyeedka ayaa si cad u cambaareeyay siyaasadaha iyo xayiraadaha saameeya isticmaalka hawada iyo duulimaadyada rayidka, iyadoo lagu baaqay in hawada loo isticmaalo si nabad iyo cadaalad ku dhisan oo aan carqaladeyn isu-socodka bulshada.
Gebagebadii shirka, mas’uuliyiinta Puntland iyo Somaliland ayaa ku heshiiyeen in la joogteeyo kulamada wada-tashiga iyo wadahadalka ku saabsan arrimaha danaha guud ee labada dhinac.
Waxay sidoo kale bogaadiyeen taageerada Beesha Caalamka ee ku aaddan nabadda iyo horumarinta Geeska Afrika.
“Labada dhinac waxay caddeeyeen inay ka go’an tahay in la xoojiyo wada-shaqeynta, la-dagaalanka argagixisada, iyo in dadka reer Geeska loo abuuro mustaqbal nabdoon,” ayaa lagu soo xiray war-murtiyeedka.
Heshiiska amni ee u dhexeeya Puntland iyo Somaliland ayaa imanaya xilli labada dhinac ay xiriir adag iyo kalsooni darro siyaasadeed kala dhexeeyaan Villa Somalia, kadib markii dowladda federaalka ay taageertay dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari. Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa si isku mid ah uga caroodey tallaabadaas, iyagoo u arka dhulkaas in midba uu maamulkiisa ka tirsan yahay.
Sidoo kale, Puntland waxaa dowladda federaalka kala dhaxeeya khilaaf salka ku haya arrimaha federaalka iyo dastuurka, halka Somaliland ay la kulantay cadaadis xooggan oo Muqdisho ku wiiqday dadaalladeeda gooni isu taagga.
Inkastoo labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland ay weli isku khilaafsan yihiin arrimo dhuleed iyo siyaasadeed, haddana wada-hadalkan ayaa loo arkaa tallaabo diblomaasiyadeed oo lagu muujinayo in labada maamul ay diyaar u yihiin iskaashi ka madax-bannaan iyo iska caabin ka dhan ah saamaynta Villa Somalia.