Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax gaari ayaa waxa uu Caawa ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Isgooyska Banaadir kaa oo lagu xiray gaari uu lahaa Sargaal ka tirsan ciidamada Asluubta.
Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu xiray gaari uu lahaa Sargaalkaasi xili ay la socdeen Gabar u dhaxda iyo Cunug yar uu dhalay.
Sargaalka Qaraxa loogu xiray gaariga ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa Xogeynta Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Bashiir Jaamac ”Bashiir Goobe”,sida laga soo xigtay Sargaal kale oo ka tirsan ciidamada.
Sargaalka watay gaariga ayaa ka badbaaday Qaraxa waxaana ku dhaawacmay Haweeney la soctay oo la sheegay inay aheyd Xaaskiisa, halka canug yar oo dhabta ay ku heysay uu isna ka badbaaday Qaraxa.
Haweeneyda ku dhaawacantay Qaraxa ayaa la xaqiijiyay inay ka go’day lugta, waxaana la dhigay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa magaalada Muqdisho kusoo kordhaaya Qaraxyada lagu xiro gaadiidka ay wataan shaqaalaha dowlada iyo Saraakiisha ciidamada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]