QARAX maanta ka dhacay MUQDISHO + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan laba qof oo shacab ahaa ayaa ku geeriyooday qarax miino oo saaka ka dhacay agagaarka isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay xaafadaha degmada Hodan ayaa wararka waxa ay sheegeen inuu ka dhacay wadada xiriirisa Tarabuunka iyo isbitaalka Masaarida oo ku yaal halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo marayey wadada, waxaana la soo wariyey inuu ka bad-baaday miinada oo qaraxday markii uu gudbay gaariga ay la socdeen askarta.

Labada qof ee geeriyootay ayaa la sheegay inay marayeen wadada, ayaga oo la kulmay qaraxa, waxaana goobta mar dambe gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada Hodan oo ku aadan qaraxaas oo dhacay aroortii hore ee saaka.

Weerarkaan qaraxa ah ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee maalmihii dambe ka dhacayey magaalada Muqdisho, waxaana inta badan sheegata kooxda Al-Shabaab.

Sikastaba, muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa kordhiyey howlgallada lagu sugayo amniga, haddane waxaa weli dhacaya weeraro kala duwan, sida qaraxyo, dilal iyo dhac ay geysaneyso burcadda ku sugan caasimada.