Qarax xoogan oo ka dhacay Baraawe + Khasaaraha

Baraawe (Caasimada Online) – Warar naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in goordhow qarax xoogan uu ka dhacay bartamaha magaallo xeebeedka Baraawe oo caasimad rasmi u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay Baraawe ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay Boosteejo laga raaco baabuurta aada dhanka deegaanka Kuunya-barow

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ugu yaraan 1 askari oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka ayaa ku dhintay qaraxaan, halka ay ku dhaawacmeen 9 kale oo u badan dad shacab ah oo goobta ku sugnaa.

Sidoo kale waxaa meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo goobta howlgallo kooban ka sameeyey, kadib qaraxaas.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ay soo saareen saraakiisha laamaha ammaanka, balse xaaladda ayaa haatan ah mid deggan.

Baraawe ayaa waxaa inta badan weeraro ku fuliya dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo weli ku sugan deegaanno duleedka ka ah degmadaasi.