Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay deegaanka Siinkadheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay Koontaroolka ciidanka NISA ee duleedka Muqdisho.
Gaariga ayaa waxaa joojiyay Askari ka tirsan ciidamada Nabad Suggida waxaana uu doonaayay Askariga inuu baaritaan ku sameeyo gaariga.
Wadihii gaariga ayaa qarxiyay gaariga kadib markii askariga uu u soo dhaqaaqay dhinaca gaariga, waxaana halkaasi ku dhintay hal Askari oo ka tirsan ciidamada NISA.
Saraakiisha ciidamada NISA ayaa sheegay inuusan jirin Khasaare kale oo ka dhashay gaarigaasi ku qarxay duleedka Magaalada Muqdisho.
Geesta kale, Ciidamada NISA oo koontarool ku leh Deegaanka Siinkadheer ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa halkaasi waxa ay ku baaraan dadka iyo gaadiidka soo galaya Magaalada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho