Crans-Montana (Caasimada Online) – Dhowr qof ayaa ku dhintay, qaar kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii qarax uu ka dhacay baar ku yaal goob loo dalxiis tago ee magaalada Crans-Montana ee dalka Switzerland, sida ay booliisku sheegeen.
Qaraxu wuxuu dhacay 01:30 waqtiga maxalliga ah, sida ay booliisku ku sheegeen bayaan ay soo saareen.
Muuqaalo aan la xaqiijin oo ku baahay baraha bulshada ayaa muujinaya dab ka kacay baar ay ka dhacayeen dabaaldegyada Sannadka Cusub.
Bar gargaar oo loogu talagalay qoysaska dadka ay dhibaatadu saameysey ayaa la sameeyay, sida ay booliisku sheegeen.
Crans-Montana waa magaalo dalxiis oo raaxo leh oo ku taal bartamaha Alps-ka Swiss, qiyaastii laba saacadood u jirta caasimadda Switzerland ee Bern.

