24.9 C
Mogadishu
Sunday, January 4, 2026

Weerar 2aad oo dhacay & dagaal ka socda Liido

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar labaad oo ismiidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay gudaha Baar Beach View ee magaalada Muqdisho, waxaana lasoo warinayaa in weerarkaasi labaad uu fuliyay mid kamid ah Dagaalyahaanada ka dhex dagaalamaaya Baar Beach View iyo Liido Sea Food.

Gudaha Baar Beach View iyo Liido Sea Food ayaa waxaa galay ilaa 6 Dagaalyahaano kuwaasi oo ku hubeysnaa qoryaha AK47 waxa ayna ka dhex dagaalamayaan gudaha Baarka.

Ciidamada Dowlada iyo ilaalada Baar Beach View ayaan madaxa galinkarin Baarka waxaana jiro warar sheegaya in gudaha Baarka lagu dhex heysto Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir kuwaasi oo qorox dhicii caawa halkaasi u shaah doontay.

Ciidamada Dowlada ayaa Hubka culus gaar ahaan kan loo yaqaan Sabanka ku garaacaya Baar Beach View iyo Liido Sea Food waxaana gudaha Baarka ku jira inkabadan 60 ruux oo mas’uuliyiin iyo shacab isugu jira kuwaasi oo lagu dul dagaalamaayo.

Sidoo kale, Ilaalada Baararka kale ee ku dhagan Baar Beach View iyo Liido Sea Food ayaa qeyb ka ah Dagaalka socda waxa ayna rasaasta ku hubsanayaan cid kasta oo ku dhawaada iyaga oo iska ilaalinaaya maleeshiyo miidaamsan.

Waxaa go’an wadooyinka Baar Beach View waxaana jiro warar dheeraad ah oo sheegaya in Taliyayaal ciidan ay ku dhex jiraan Baarka.

La soco wixii dheeraad ah wararkeena danbe

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News