Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay Gaalkacyo

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka xarunta dowladda hoose ee maamulka Gaalkacyo ee dowlad goboleedka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen illaa afar qof oo labo ka mid ah ay yihiin askar, halka labada kalena ay yihiin dad shacab ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilliga uu dhacayey qaraa uu gudaha xarunta ku jiray duqa Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, balse waxaa ay dhaawacyo soo gaareen qaar ka mid ah askartiisa oo ku sugnaa banaanka xarunta.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaan goobta uu qaraxu ka dhacay isku geedaamay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee magaaladaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News