Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmada Dharkeynley, halkaasi oo dhimasho ay ka dhalatay.
Qaraxaani oo dhawaqiisa laga maqlaayay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa la sheegay inuu ka dhashay Gaari nooca loo yaqaan Kaarib oo lagu xiray walxaha Qarxa.
Gaariga ayaa xiliga uu Qarxaayay maraayay inta u dhaxeysa Dabakaayo Madoow iyo Dabakaayo Cagaar, gaar ahaan nawaaxiga Isbitaal Macaani ee Degmada Dharkiinley.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in gaariga Qaraxa lagu xiray uu lahaa Macalin Aadan Goomey oo ahaa Macalin iskuul.
Dhinaca kale, Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa hadda ku sugan Ciidamada Dowlada, gaar ahaan kuwa Saldhig Galbeed oo durba meesha gaaray.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]