DEG DEG: Qarax saddexaad oo ka dhacay Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Qarax saddexaad ayaa goordhow ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, oo saaka ay laba qarax oo waa weyn ka dhaceen. 

Qaraxan ayaa wararku ay sheegayaan inuu ka dhacay dhabarka dambe ee saldhigga booliska magaalada Beledweyne, welina ma cadda khasaaraha ka dhashay

Dhowaaqa qaraxan ayaa meelo fog laga maqlay, waxaana xoogiisa la gariiray guryaha magaalada, ayada oo kadib qaraxana la maqlay rasaas xooggan. 

Labadii qarax ee saaka, ayaa qaraxa koowaad waxa uu ka dhacay afaafka hore ee xarunta madaxtooyada maamulka HirShabeelle ee Lama-galaay, halka qaraxa labaad uu isna ka dhacay gudaha dhismaha la weeraray.

Wararka ayaa sheegaya in dhimashada labadii qarax ee hore ay haatan gaareyso illaa 10 qof oo isugu jiro mas’uuliyiin, askar iyo dad kale oo shacab ah.