Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar ismiidaamin ah ayaa waxa uu qadar yar ka hor ka dhacay Baar ku yaala Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho kaasi oo magaciisa lagu sheegay Beach View.
Weerarka ka hor ayaa waxaa halkaasi ka dhacay rasaas xoogan oo ay ridayeen maleeshiyaad dhowr ah, waxaana xigay weerarka Ismiidaaminta ah.
Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in gudaha baarka ay ka socto rasaas oo la rumeysan yahay inay is weydaarsanayaan dableyda iyo ilaalada baarka.
Baar Beach View ayaa waxaa ku caweynaayay Mas’uuliyiin iyo Ganacsato, waxaana la tilmaamayaa in iminka halkaasi ay ku qulqulayaan gaadiidka Gurmadka ee loo qayaan ambalaasta iyo kuwa Ciidamada oo gurmad u ah dadka ku dhex jira baarka.
Waxaa go’an gabi ahaan wadooyinka gala Baar Beach View waxaana halkaasi ka socda rasaas xoogan oo aan la ogeyn cida rideysa iyo cida lagu ridaayo.
Dhanka kale, waxaa jiro Khasaaro aad u badan oo halkaasi ka dhashay inkastoo aan la garan karin heerka uu gaarsiisan yahay Khasaaraha.
La soco wixii dheeraad ah wararkeena danbe

