27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 9, 2025

Xamza oo war kasoo saaray la soo wareegista Somalia ee…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa si weyn u soo dhaweeyay guul taariikhi ah oo maanta la gaaray, kadib kulan muhiim ah iyo codeyn maanta ka dhacday maaalada Geneva ee caasimada dalka Switzerland.

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta si rasmi ah u meel mariyey qaraar ay Soomaaliya kula soo wareegeyso maareynta Madaxa-bannaan iyo waajibaadkeeda Qaran ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka, kaasi oo Soomaaliya ka maqneyd  tan iyo 1993-dii.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in tani ay Soomaaliya dib ugu soo celinaya lahaansho buuxa iyo madax-bannaaniida ay ku maamuli karto waajibaadkeeda qaran iyo kuwa caalamiga ah ee dhinaca xuquuqul insaanka, taas oo ah masuuliyad ay ummaddeennu ku taamaysay in ay dib u hanato tan iyo Maarso 1993.

“Go’aankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo dowlad-dhiska, horumarinta xuquuqul insaanka, hanaanka maamulkiisa iyo ballanqaadka wadajirka ah ee lagu ilaalinayo, laguna xaqiijinayo xuquuqda aadanaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Dib u hanashada Soomaaliya ee masuuliyaddan qaran waxay muujinaysaa dadaal dheeri ah oo ay sameeyeen hay’adaha qaranka iyo kalsoonida lagu qabo in ay si buuxda ula wareegto hagidda iyo ilaalinta xuquuqul insaanka, iyadoo ku saleysan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mabaadi’da Paris Principles, iyo qiyamka aasaasiga ah ee Qaramada Midoobay.

“Guushan waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed – adkaysigooda, midnimadooda iyo dadaalkooda ayaa weli horseed u ah horumarka, cadaaladda, iyo sinnaanta ay Soomaaliya ku socoto,” ayaa sidoo kale lagu qoraalka xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo dhaweynaysaa go’aanka taariikhiga ah ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo ku saabsan Qaraarka A/HRC/60/L.14, oo Soomaaliya dib ugu soo celinaya lahaansho buuxa iyo madaxbannaaniida ay ku maamuli karto waajibaadkeeda qaran iyo kuwa caalamiga ah ee dhinaca xuquuqul insaanka — taas oo ah masuuliyad ay ummaddeennu ku taamaysay in ay dib u hanato tan iyo Maarso 1993.

Go’aankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo dowlad-dhiska, horumarinta xuquuqul insaanka, hanaanka maamulkiisa iyo ballanqaadka wadajirka ah ee lagu ilaalinayo, laguna xaqiijinayo xuquuqda aadanaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan.

In Soomaaliya ay dib u hanatay masuuliyaddan qaran, waxay muujinaysaa dadaal dheeri ah oo ay sameeyeen hay’adaha qaranka iyo kalsoonida lagu qabo in ay si buuxda ula wareegto hagidda iyo ilaalinta xuquuqul insaanka — iyada oo ku saleysan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mabaadi’da Paris Principles, iyo qiyamka aasaasiga ah ee Qaramada Midoobay.

Dowladdu waxa ay u mahadcelinaysaa Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, Xafiiska Wakiilka Sare ee Xuquuqul Insaanka (OHCHR), iyo dhammaan saaxiibbada caalamiga ah ee garab istaagay joogtada ah u muujiyay Soomaaliya muddadii dheereyd ee ay dib-u-soo kabashada ku jirtay.

Dowladda Soomaaliya, waxa ay si gaar ah ugu mahadcelinaysaa Dowladda Boqortooyada Ingiriiska (United Kingdom), oo taageero joogto ah la garab taagan tayeynta iyo xoojinta hay’adaha xuquuqul insaanka dalka.

Soomaaliya waxay sii wadi doontaa dhiirrigelinta mabda’a daahfurnaanta, isla-xisaabtanka, iyo ixtiraamka karaamada bini’aadamka, iyada oo hubinaysa in xuquuqda aadanuhu ay sii ahaato tiir dhexaadka qorshaha Isbeddelka Qaranka, maamulka, iyo dhismaha nabadda.

Guushan waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed — adkaysigooda, midnimadooda iyo dadaalkooda ayaa weli horseed u ah horumarka, cadaaladda, iyo sinnaanta ay Soomaaliya ku socoto.

- Advertisement -

Read more

Local News