Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa dil ay caawa ugu geesteen kooxo hubeysan suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho mid ka mid ah shaqaalaha Bangiga Salaam Bank.
Goobjoogayaal ku sugan goobka dilka ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, kooxo ku hubeysan bastoolado ay toogteen marxuumkab isagoo ku sii jeeda gurigiisa.
Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulaahi Cumar Xasan, waxaana la sheegay in uu ka baxay Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho.
Kooxda dilka geestay ayaa la sheegay in goobta ka baxsadeen, waxaana goobta laga qaaday meydka marxuumka iyadoo la geeyay gurigiisa.
Ma cadda ilaa hadda sababta loo dilay ninkan ka mid ahaa shaqaalaha Bankiga Salaam Laanta Bakaaraha oo ah xarunta ugu weyn.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho