DEG DEG: Shir Soomaaliya, Kenya iyo QM uga furmay Nairobi + Ujeedada

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya waxaa goordhow ka furmay shir seddax geesood ah oo looga hadlaayo siddii qoxootiga Soomaalida ee ku nool xeryaha Kenya dib loogu celin lahaa waddankooda.

Wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee Nairobi oo ku sugan xarunta shirka ayaa sheegaya in shirka uu goordhow ka furmay xarunta KCB ee Nairobi.

Wuxuu kaloo sheegay shirka oo ay ka qaybgalayaan Soomaaliya, Kenya iyo Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qoxootiga UNHCR in la filaayo in ay heshiis ku kala saxiixdaan wasiiradda arrimaha dibedda Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale shirka waxaa ka qaybgalaya Madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Rutto iyo safiiradda caalamka ee u jooga Kenya gaar ahaan kuwa deeq bixiyaasha.

Kenya waxa ay martirgalisay ku dhawaad hal milyan oo qof oo ah qoxooti Soomaali ah kuwaasoo ka soo cararay dagaalada ka socday wadankooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com