Jowhar (Caasimada Online) Warar aan ka helnay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in shirkii maamul u sameynta Sh. Dhexe iyo Hiiraan lagu wado in maalinta Sabtida ah uu furo madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Qorshaha lagu heshiiyay ayaa waxaa uu noqon doonaa sida soo socota.
1. Madaxweynaha JFS oo shir gaar ah la yeeshay Ugaaska iyo Iimaanka Abgaal ayaa waxaa aay meel isla dhigeen in madaxweynaha maamulka uu noqdo shaqsi ka soo jeeda beesha Abgaal.
2. Guddoomiyaha Baarlabaankana lagu wado inoo noqdo shaqsi ka soo jeeda beesha Jareer Weyn.
3. Madaxweyne Ku xigeenka shaqsi ka soo jeeda beesha Xawaadle.
4. Guddoomiyaha Gobolka Sh. Dhexe shaqsi ka soo jeeda beesha Xawaadle.
5. In Caasimada aay noqoto magaalada Buula Burte, oo aay maanta soo indho-indheeynayaan Wasiirka Amniga iyo midka arrimaha gudaha.
Waxaa halkaa awood qeybsigii gebi ahaanba ku waayay beelaha gugundhabe iyo Gaaljecel. Lama oga wejiga uu yeelan doona marka la furo shirka maalinta Sabtida ah.
Shirka ayaa furmi doona, iyadoo aay beesha caalamka diideen in aay bixiyaan qarashka shirka, waxaana beesha caalamka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed aay saluugsan yihiin sida loo wado maamul u sameynta Sh. Dhexe iyo Hiiraan.
Shirkii maamul u sameynta Gal Mudug kaa soo dhacay bartamahii sanadkii hore 2015 ee lagu soo doortay Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa sidoo kale gebi ahaanba diiday ka qeyb galkiisa beesha Ceyr iyadoo markii danbana laga kaaftoomay. Haddaba su’aasha aay dad badani is weydiinayaan ayaa ah, “Beesha Xawaadle iyo beelaha kale ee laga tagay, ma waxay mari doonaan halkii aay mareen reer Dhuuso mareeb, mise maamul u gaar ah ayeey sameysan doonaan?”
Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]