Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa goordhoweyd ku dhawaaqday inay fasaxday qabashada bandhigga xeerka Ciise, kaasi oo qabashadiisa ay xiisad xooggan ka abuurtay gudaha gobolka Awdal iyo Selel.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ku dhawaaqay in xukuumadda ay fasaxday bandhiga xeer Ciise.
“Xukuumaddu waxay si rasmi ah u go’aamisay in Jamhuuriyadda Somaliland ay marti-geliso munaasabadda xuska xeerka Ciise oo ka qabsoomi doonta magaalada Saylac 14-ka December 2025,” ayuu yiri Wasiir Axmed Yaasiin.
Wasiirka ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay qaaday mas’uuliyada amniga ee bandhiga xeer Ciise, xilli ay beelaha Gadabuursi ay hore si adag uga horyimaadeen qabsoomida bandhigan oo dhowr jeer dib u dhac ku yimid.
“Xukuumadda Somaliland ayaa iska leh mas’uuliyadda hagista, maamulista, fududeynta, la socodka diyaarinta qaban-qaabada munaasabadda iyo sugida ammaanka, iyadoo ilaalineysa xeerarka dalka habraacyada amniga, sinaanta bulshada iyo qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yiri Wasiirka.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro uu gogal nabadeed oo ballaaran u fidiyay bulshada walaalaha ee ku dhaqanka gobollada Awdal iyo Selel, gaar ah beelaha wada dega degmada Selel.
Somaliland ayaa gebi ahaanba diiday in gudaha deegaanadeeda laga sameyn karin xuduudo beeleed, isla markaana aan la aqbali doonin xuduud qabiileed oo ka dhex sameyn gudaha Somaliland.
Go’aankan ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe magaalada Saylac iyo guud ahaan gobollada Awdal iyo Selel ay ka taagneyd xiisad ka dhalatay qabashada bandhiga xeer Ciise, oo si adag uga horyimaadeen beelaha Gadabuursi.

