Burco (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Burco ayaa sheegaya in goordhoweyd ciidamada Somaliland ay xabsiga u taxaabeen Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo ah suxufi ku caan baxay arrimaha samafalka.
Sida ay ilo xogagaal ah u sheegeen Caasimda Online, Cabdimaalik Coldoon ayaa waxaa watay ciidamada sirdoonka Somaliland.
Inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn sababta ka dambeysa xarigiisa, ayaa haddana waxa uu Coldoon maalmihii dambe si weyn uga hadlayay arrimaha canshuuraha, isagoo xukuumadd Somaliland ku eedeeyay in aysan bulshada dib wax ugu soo celin, isla markaana ay shaqsiyaadka xilalka u haya jeebka ku shubtaan.
“Dadka leh cashuurta waxa lagu dhisaa dugsiyo (iskuullo) iyo Dhakhtarro (hospital) xagaad ku aragteen iskuul iyo dhakhtarro bilaash ah?! Oo dadka loogu adeegayo si lacag la’aan ah?! Soo sheega dugsiga ama cisbitaalka ay dhiseen-cashuurqaadayaaahu ee bilaashka ah?! Cashuur-qaadayaaahu adeeg bilaash ah ma bixiyaan walaalayaal,” ayuu Coldoon ku yiri maalmo ka hor qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Sidoo kale, Cabdimaalik ayaa si cad uga horyimid qaadista canshuurta, isagoo qoraal kale ku yiri “Muslimiinta sako ayaa ku waajib ah, cashuur in laga qaadaa waa xaaraan.”
Ma aha markii u horeysay ee ciidamada booliska Somaliland ay xiraan Cabdimaalik Coldoon, ayada oo kal hore maxkamadda gobolka Maroodijeex ay xukuno kala duwan ku riday. Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amaanka oo ku aadan xarigiisa.

