Kampala (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Sharci-dejinta ee Baarlamaanka Urur-goboleedka Bulshada Bariga Afrika ee 2025-2026.
Shirweynaha 20-aad ee Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Urur-goboleedka Bulshada Bariga Afrika ayaa Soomaaliya loogu doortay xilkaan, kaasi oo ka dhacay magaaladda Kampala ee caasimadda dalka Uganda.
Shirkan ayaa sanadkan looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dib u eegista go’aanadii kasoo baxay kulankii kan ka horreeyey iyo natiijadii kasoo baxday shirkii xoghayaasha baarlamaanada urur goboleedka, dib u eegista iyo ansixinta qawaaniinta mashruuc ee guddiga baarlamaanadda ururka iyo sidoo kale qodobo kale oo muhiim ah.
Inta shirka uu socday ayaa sidoo kale la isku raacay in Soomaaliya ay marti galin doonto kulanka kan xiga ee gudoomiyayaasha baarlamaanadda Urur-goboleedka Bulshada Bariga Afrika oo dhici doona Bisha May sanadka 2026.
Guddoomiye Madoobe ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey shirka ayaa sheegay in shirka uu kusoo aaday xilli muhiim ah oo ay dalalka Bulshada Bariga Afrika ay dadaal badan ku bixinayaan inay xoojiyaan nabadda iyo is-dhexgalka, iyagoo raacaya himilada mideysan ee bulshada.
Soomaaliya ayuu sheegay inay ku taagan tahay ballanqaadkeeda ahaa inay si firfircoon uga qayb qaadato, isla markaana door wax ku ool ah ka cayaarto Bulshada Bariga Afrika oo ay ka tirsan tahay.
Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa guddoomiyaasha baarlamaanadda urur-goboleedka la wadaagay in Soomaaliya, kadib muddo dheer oo la sugayey, ay si guul leh u dooratay xubnaha 9-ka xildhibaan ah oo ku matalaya Golaha Sharci-dejinta Baarlamaanka urur goboleedka.
Tan ayuu ku tilmaamay mid caddeyn u ah in Soomaaliya ay si dhab ah ugu soo laabatay ka qaybgalka iyo iskaashiga gobolka, iyadoo xoogga saaraysa diblomaasiyadda baarlamaaniga ah iyo horumarinta wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyntiinq madaxda shirka kasoo qeyb-gashay u sheegay in Soomaaliya sanadkan dhammaadkiisa, markii ugu horreysay muddo 56-sano ah ka dib ay isu diyaarinayso qabashada doorashooyin toos ah oo dowladaha hoose ah islamarkaana la filayo in shacabka Soomaaliyeed ay toos u doortaan hogaankooda, taasoo ka mid ah horumarada ay hiigsaneyso dowladda Soomaaliyeed.

