Faah-faahin: Taliyihii ciidamada xogga Soomaaliyeed oo maanta la qarxiyay

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeri ah ayaa ka soo baxaya taliyaha ciidamada Militariga Soomaaliya Gen. Dahir Aadan Cilmi (Indho-Qarshe) oo saaka ka badbaaday qarax loo dhigay.

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay oo ahayd haweeney goobta ka agadhaweyd halka dhaawacyo ay jiraan balse cid ila hadda xaqiijisay ma jirto.

Janaraal Daahir Aadan Cilmi ayaa qaraxa lagula eegtay meel ku dhow wasaaradda gaashandhigga ee Soomaaliya, sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho.

Waxaa goobta tagay saraakiil iyo ciidamo fara badan kuwaasoo baaritaan ka billaabay.

Dhinaca kale, shir jaraa’id oo uu qabtay taliyaha ciidanka booliska degmada Hodan, Korneel Maxamed Cabdulaahi ayuu ku sheegay in taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed in uu bad qabo kana badbaaday qaraxa lagu weerarray kolanyada uu la socday.

Wuxuu kaloo taliyaha xusay in ay wadaan baaritaan bal siddii lagu soo qaban lahaa cidda ka dambeesa qaraxa lagu weeerarray taliyaha ciidanka xooga dalka, Gen Indha-Qarshe.

Waxaa jirra warar sheegaya in uu qaraxa ka dhashay khasaaro xooggan balse xog badan lagama hayo.

Taliyaha oo xilliga la weerarray ku sii jeeday xarunta wasaaradda gaashandhigga ciidamada xooga dalka ayaa qaraxa ka bad baaday, balse waxaa jirra ciidamo ku wax yeeloobay qaraxa.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid halis ku jirra waayo shaley ayey ahayd markii koox hubeysan ay ku toogteen isgoyska mashquulka badan ee KM4 madixii ammaanka shirkadda diyaaradaha Turikh Airline, waxaa ka sii horeeyay weerarkii Sabtidii lagu qaaday xarunta baarlamaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com