Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya toogasho maanta loo gaystay Alle ha u naxariistee Taliyihii Guutada 14-ka October, Gaashaanle Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey) oo lagu dilay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in taliyaha xilliga la dilayay uu ku sugnaa deegaan u dhow Afgooye, isaga oo khudbad u jeedinayay ciidamo saf lasoo geliyay, waxaana rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada, taas oo keentay in isla goobta uu ku geeriyoodo marxuumka.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ninka gaystay falkan isna goobta lagu dilay, waxaana dhacdadan ka dhashay hadal-heyn xoogan.
Ma cadda sababta uu askariga u dilay taliyaha, waxaana haatan socda baaritaanno ay wadaan laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka oo ku aadan dilka Taliyaha Guutada 14-ka October, waxaana la filayaa in taliska uu ka hadlo.
Alle ha u naxariistee Taliye Nuur Farey ayaa ahaa sarkaal dhalinyaro ah oo firfircoon, isla markaana tababaro kala duwan ku soo qaatay dalka dibadiisa, gaar ahaan Talyaaniga.
Sidoo kale, waa sarkaal xoreeyay deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana haatan uu ka howlgalayay aagga Awdheegle, Afgooye, Sabiid iyo Canoole oo dhowaan ay weeraro kusoo qaadeen maleeshiyaadka kooxda Shabaab.
Dhanka kale, dilka loo gaystay taliyaha ayaa waa ku geedaaman su’aallo la’is waydiinayo oo la xiriira sababta ka dambeysa toogashada lagu dilay iyo waxa uu ahaa askariga ka dambeeyay, iyada oo jawaabta looga fadhiyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Dhacdadan ayaa sidoo kale kusoo aaday, xilli haatan ay dhaq-dhaqaaqyo ka socdaan aagga degmada Afgooye, kuwaas oo la doonayo in looga hortago duulaanka Al-Shabaab ee Shabeelaha Hoose oo dhowaan uun la wareegay degmada Awdheegle iyo deegaanno kale.
Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoogga soo saartay gobollada Shabeelooyinka oo haatan ay ka socdaan dagaallada, waxaana sidoo kale lagu arkay deegaanno u dhow Muqdisho, sida Ceelasha Biyaha, Lafoole iyo Xaawo Cabdi.