25.1 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Trump oo ku dhowaaqay heshiis xabad-joojin ah oo dhex-maray Israel iyo Iran

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in xabbad-joojin “dhameystiran oo buuxda ” ay ka dhaqan geli doonto Israel iyo Iran, taasoo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro iska horimaadka labada dal, wax yar ka dib markii labada dhinac ay ku hanjabeen weerarro cusub.

Trump wuxuu u muuqday inuu tilmaamayo in Israel iyo Iran ay heli doonaan wakhti ay ku dhameystiraan hawlgallada socda, marka kaddibna ay xabbad-joojintu si tartiib-tartiib ah u billaaban doonto.

“Anigoo ku kalsoon in wax walba ay u socon doonaan sidii la rabay, taasoo dhici doonta, waxaan jeclaan lahaa inaan ugu hambalyeeyo labada dal, Israel iyo Iran, adkeysiga, geesinimada, iyo garaadka ay u yeesheen inay soo afjaraan wax loogu yeeri karo, ‘DAGAALKII 12-KA MAALMOOD’,” ayuu ku qoray bartiisa Truth Social.

Qoraal uu Donald Trump ku daabacay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in xabbad-joojin 24 saacadood socon doonta, oo si wejiyo ah u dhaqan gelaysa, ay bilaaban doonto qiyaastii saqda dhexe ee Talaadada saacadda Bariga Mareykanka (EST). Labada dhinac ayaa helaya lix saacadood oo dheeri ah si ay u soo afjaraan una dhammaystiraan hawlgalladooda ugu dambeeya ee weli socda.

Wafdiga Iran u fadhiya Qaramada Midoobay iyo safaaradda Israel ee Washington midkoodna kama uusan jawaabin codsiyo kala duwan oo ay wakaaladda wararka ee Reuters u dirtay si ay uga hadlaan arrintan.

Saacado ka hor, saddex sarkaal oo Israeli ah ayaa tilmaamay in Israel ay doonayso inay soo gabagabeyso ololaheeda ka dhanka ah Iran dhawaan, waxayna farriintaas gaarsiiyeen mas’uuliyiinta Mareykanka.

Axaddii, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu wuxuu sheegay in Israel ay “aad iyo aad ugu dhowdahay inay dhameystirto” yoolalkeedii.

Sarkaal sare oo Iiraani ah ayaa u sheegay wakaaladda Reuters in Tehran ay ogolaatay xabbad-joojinta uu soo jeediyay Mareykanku.

Horraantii Isniinta, Trump wuxuu sheegay inuu ku dhiirri-gelin doono Israel inay u jihaysato dhanka nabadda, kaddib markii uu meesha ka saaray muhiimadda weerarkii Iran ee lagu qaaday saldhig cirka Mareykanka oo aan wax khasaare ah geysan, wuxuuna Tehran uga mahadceliyay inay si horudhac ah uga digtay weerarradaas.

Weerarka Iran ayaa yimid kaddib markii diyaaradaha wax duqeeya ee Mareykanka ay ku garaaceen gantaallo 30,000-pound ah oo loogu talagalay burburinta dhufaysyada dhulka hoostiisa ah (bunker-busters), xarumo nukliyeer oo dhulka hoostiisa ah oo Iran ku yaalla Sabtidii iyo Axaddii, iyagoo ku biiray dagaalka cirka ee Israel ay kula jirto Iran, kaasoo galay maalintii 12-aad.

Xilli ay Iran isu diyaarinaysay inay beegsato saldhigga cirka ee Mareykanka ee Qadar horraantii maalintaas, waxaa jiray calaamado muujinayay in dalku uu raadinayay waddo uu kaga baxo iska-hor-imaadka kala dhexeeya Mareykanka. Saraakiisha Iran iyo Mr. Trump ayaa sheegay in Iran ay si horudhac ah ula socodsiisay in weerarka gantaalaha ahi uu soo socdo, taasoo yareysay khasaaraha ka dhalan karay.

Trump wuxuu sheegay in 13 ka mid ah 14-kii gantaal ee Iran ay ku riday saldhigga Al Udeid la soo riday, isla markaana aanay jirin wax Mareykan ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay, waxyeelladuna ay ahayd mid aad u yar. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in dagaalka, ugu yaraan kan u dhexeeya Mareykanka iyo Iran, uu dhammaan karo.

“Wixii ay qabeen oo dhan way iska saareen, waxaana rajeynayaa inaanay jiri doonin NACAYB dambe,” ayuu yiri, isagoo Iran uga mahadceliyay “sida ay noo siiyeen digniin hore, taasoo suurtagelisay inaanay nafna ku dhiman, qofna uusan ku dhaawacmin.”

Ku dhawaad 10,000 oo askari oo Mareykan ah ayaa ku sugan saldhigga Al Udeid, oo ah xarunta gobolka ee Taliska Dhexe ee Ciidanka Mareykanka (U.S. Central Command).

Weerarkii Iran ee saldhiggaas ayaa markii hore kiciyay cabsi laga qabay in iska horimaadka Iran uu sii xoogeysto, taasoo Mareykanka si qoto dheer ugu lug yeelan lahaa, ugana sii faafi lahaa gobolka oo dhan.

 

- Advertisement -

Read more

Local News