Muscat (Caasimada Online) – Mareykanka iyo Iiraan ayaa Sabtida maanta ah bilaabay wada-hadallo muhiim ah oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Tehran, iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu si cad u sheegay in haddii aan heshiis laga gaarin arrintan, laga yaabo in la qaado tallaabo militari.
Wada-hadalladan ayaa ka dhacay magaalada Muscat ee dalka Cumaan, iyagoo dhexmaraya dhex-dhexaadiye, sida ay xaqiijisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan. Mareykanka ayaa doonayay in kulanka uu noqdo mid fool ka fool ah, balse Iiraan ayaa dooratay in la adeegsado dhex-dhexaadin.
Khilaafka ku saabsan habka wada-hadallada ayaa muujinaya sida ay culays u saaran tahay labada dhinac oo muddo dheer colaad siyaasadeed u dhexysay, kuwaas oo hadda isku dayaya in ay gaaraan heshiis cusub oo nukliyeer ah, kadib markii Trump uu 2018 ka baxay heshiiskii hore ee la gaaray sanadkii 2015.
Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa hoggaaminaya wafdiga Tehran, halka wakiilka gaarka ah ee Trump, Steve Witkoff, uu madax u yahay kooxda Mareykanka.
“Ujeedkeennu waa inaan gaarno heshiis sharaf leh oo caddaalad ku dhisan, annagoo ku wada hadleyna meel siman,” ayuu yiri Araghchi, isagoo hadalkiisa lagu baahiyay telefishinka dowladda Iiraan.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan, Esmaeil Baqaei, ayaa sheegay in wada-hadalladani ay yihiin “bilow kaliya”, islamarkaana aan la filaynin in wareegan uu socdo muddo dheer.
Labada dhinac ayaa ku kala sugan hoolal kala duwan, iyagoo aragtidooda ku kala gudbinaya wasiirka arrimaha dibadda ee Cumaan, ayuu ku sheegay qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.
Iiraan, oo cadaadis dhaqaale kaga yimid cunaqabateynta adag iyo dagaallada Israel kula jirto xulafadeeda Xisbullah ee Lubnaan iyo Xamaas ee Gaza, ayaa dooneysa in laga yareeyo cunaqabateynta saameysay dhaqaalahooda.
Inkasta oo Tehran ay si weyn uga carootay ololaha Trump ee “cadaadiska ugu badan”, oo lagu kordhiyay cunaqabateynta laguna hanjabay weerarro ciidan, haddana waxay ogolaatay inay fursad siiso wadahadalkan cusub.
Dhanka kale, Mareykanka oo si dhow ula shaqeeya Israel – cadowga ugu weyn ee Iiraan – ayaa doonaya inuu hor istaago in Tehran ay gaarto awood ay ku horumarin karto hub nukliyeer ah.
Witkoff: “Tanaasul waa suuragal”
Hotel raaxo leh oo ku yaalla Muscat oo lagu tuhunsanaa in uu yahay goobta wadahadalladu ka socdaan ayaan wax calaamado ah oo muujinaya kulanka lagu arkin – ma jirin calamo, ilaalin dheeraad ah, ama taraafiko caadi ka baxsan.
Witkoff ayaa hore ugu sheegay The Wall Street Journal in “mowqifka Mareykanka” uu yahay in Iiraan gebi ahaanba joojiso barnaamijkeeda nukliyeer – arrin ay rumeysan yihiin xagjiriinta ku hareeraysan Trump, balse aan laga filaynin in Tehran aqbasho.
“Hasa yeeshee, taasi micnaheedu maaha inaanan raadin karin meel dhexe oo aan tanaasul ku gaari karno,” ayuu yiri Witkoff.
“Xadka aan ka tallaabi doonin waa in aanay Iiraan hub ka dhigin awooddeeda nukliyeer,” ayuu intaas ku daray.
Kulanka ayaa si lama filaan ah loogu dhawaaqay Isniintii, markaas oo Trump uu Aqalka Cad kula shiray Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu.
Saacado ka hor intaan wada-hadalladu bilaaban, Trump ayaa saxaafadda u sheegay isagoo saaran diyaaradda Air Force One: “Waxaan doonayaa in Iiraan noqoto dal wanaagsan, horumarsan, oo farxad leh — balse ma lahaan karaan hub nukliyeer ah.”
La-taliyaha hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Ali Khamenei, oo ah Ali Shamkhani, ayaa dhankiisa sheegay in Tehran ay “raadinayso heshiis dhab ah oo caddaalad ku dhisan.”
Kulanka Sabtida maanta ah dhexmaray labada dhinac, kuwaas oo aan xiriir diblomaasiyadeed yeelan muddo tobanaan sano ah, ayaa yimid kadib hanjabaado ciidan oo ay jeediyeen Mareykanka iyo Israel.
“Haddii ay khasab noqoto in la adeegsado awood milatari, waan adeegsanaynaa,” ayuu Trump yiri Arbacadii, mar uu su’aalo uga jawaabayay suxufiyiinta.
Heshiiskii 2015 iyo dadaallada cusub
Heshiiskii nukliyeerka ee 2015 ayaa loogu talagalay in uu Iran ka hor istaago in ay samaysato bam nukliyeer, iyadoo loo ogolaanayo barnaamij nukliyeer oo ujeeddo shacab ah leh. Balse kadib markii Trump uu heshiiskaas ka baxay, Iiraan ayaa sare u qaaday heerka nadiifinta uranium-ka.
Warbixintii ugu dambeysay ee Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA) ayaa si “walaac leh” u sheegtay in Iiraan ay leedahay 274.8 kiilo oo uranium ah oo nadiifin gaaray 60% – heer aad ugu dhow kan hubka nukliyeerka (90%).
Karim Bitar, oo ah bare ka dhiga cilmiga Bariga Dhexe ee jaamacadda Sciences Po ee Paris, ayaa sheegay in heshiis la gaaro uu noqon karo mid la xiriira badbaadinta nidaamka xukunka Iiraan.
“Waxa keliya ee ay mudnaanta siinayaan waa badbaadinta nidaamkooda. Waxay rabaan in ay helaan neef ay ka helaan in la yareeyo cunaqabateynta si dhaqaalahooda uu dib u kaco, maadaama nidaamka si weyn loo diidan yahay gudaha dalka,” ayuu yiri.
Mohamed al-Araimi, oo hore u ahaa agaasimihii Wakaaladda Wararka Rasmiga ah ee Cumaan, ayaa isaguna sheegay in kulanka Muscat uu muujinayo “rabitaan dhab ah oo lagu xallinayo khilaafka”.
Si kastaba, wuxuu ku daray: “Anigu shakhsiyan ma aaminsani in kulammada maanta ay xallin doonaan dhammaan arrimahan murugsan. Waxay u baahan yihiin kooxo farsamo oo qoto dheer u galo.”