Kismaayo (Caasimada Online) – Shirweynaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee saddexdii maalmood ee u dambeeyay ka socday magaalada Kismaayo ayaa caawa lasoo gaba-gabeeyay.
Shirkan oo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, amni, dhaqaale iyo bini’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed xasaasi ah.
War-murtiyeedkan ayaa lagu caddeeyay in maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku fashilmay siyaasaddii, amnigii iyo horumarinta dalka, isla markaana uu la yimid siyaasad lagu kala qeybinayo, laguna kala irdhaynayo shacabka Soomaaliyeed.
Golaha ayaa sheegay “in Madaxweyne Xasan Sheekh uu beddelay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, uuna afduubay hay’adihii dastuuriga ahaa ee dheelitiri lahaa awoodda laanta fulinta,” uuna ogolaaday in qaar kamid dowlad-goboleedyada ay muddo dhaaf xileed iskaga joogaan madaxtinimada, taas oo ay sheegeen “inay ugub ku tahay siyaasadda.”
“Shirweynuhu wuxuu isku raacay in Madaxweynuhu uu dayacay ammaankii dalka, isagoo gebi ahaanba joojiyay dagaalkii lagula jiray argagixisada Al-Shabaab, ciidankii xoogga dalkana u loogay cadowga,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka mucaaradka.
Golaha ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in siyaasad xumadiisa ay sababtay fashil amni iyo in ay dhuntay kala dambeyntii, niyaddii iyo caqiiqadadii ee ciidanka, taas oo ay sheegeen inay sabab u tahay musuq, eex iyo ku tagri-fal awoodeed oo lagula kacay ciidanka.
Sidoo kale wuxuu goluhu waxba kama jiraan ku sheegay wax ka beddelka dastuurka ee Dowladda Federaalka sameysay, iyadoo goluhu caddeeyay in uusan marnaba aqbaleyn muddo kororsi sharci darro ah, taas oo uu sheegay inay abuurayso xasillooni darro siyaasadeed, firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.
Golaha ayaa sidoo kale caddeeyay in uu diyaar u yahay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajoodo sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, kuna qabsoomta waqtigeeda, oo ah dhamaadka muddo xileedkiisa.
Shirweynaha ayaa isku raacay haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyadan uu Golaha Mustaqbalka guda galayo sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.
Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran:


