Muqdsiho (caasimada Online) – Waxaa hadda dhaw Xilkiisa iska casilay Wasiiru dowlaha Waxbarashada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Cabdulle Jaabir oo kamid ah liiska wasiirada uu ku dhawaaqay Xasan Cali Kheyre.
Cabdiraxmaan ayaa ka dhawaajiyey inuusan ku qanacsaneyn xilka loo magacaabay sidaas darteedna uu go’aan ku gaaray inuu xilkaas iska casilo .
Waa Xubintii ugu horeysay ee maanta ku dhawaaqa inuu is casilay Saacado kadib markii uu xilkaasi udoortay R/wasaare Xasan Cali Kheyre.
Waxaa iyana jira saluug badan oo laga muujinayo qaabka beelaha loo siiyey jagooyinka Wasaaradaha Xukuumada Cusub oo ay dhaliileen qaabka loo siiyey.
Wixii Warar ah ee kuso kordha waa idinla soo socdsiin doonaa Inshaa Allah
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]