Muqdisho (Caasimada Online)– Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.
Weerarka ayaa la sheegayaa in lala bartilmaameystay Ciidamo ku sugnaa suuqa beerta ee xaafada laabeerya magaalada Muqdisho.
Weerarka kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas xoogan oo ay ridayaan Ciidamada Dowlada kuwaasi oo lagu kala eryinaayay dadka kusoo xoomay Qaraxa.
Suuqa beerta ee xaafada Laabeerya ayaa waxaa hadda ku sugan Ciidamada Dowlada waxaana halkaasi laga daadgureynayaa dhaawacyo iyo meydad farabadan.
Lasoco wararkeena danbe wixii kusoo kordha weerarka
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com