Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Yuusuf Maxamed, kadib wareegto uu soo saaray goordhaweyd, isagoo magacaabay mid kale.
Xamza ayaa Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada u magacaabay Mudane Prof. Saalim Caliyow Ibrow, wuxuuna sheegay inuu ku xushay aqoontiisa iyo kartidiisa.
“Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu arkay howsha baaxadda leh iyo shaqada hortaalla Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu u magacaabay Mudane Prof. Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda JFS” ayaa lagu yiri wareegtada.
Saalim Caliyow Ibrow ayaa ah rugcadaa siyaasadeed oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka, wuxuuna mar isku soo sharraxay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Indhowaanahan Xamza ayaa waday isbeddallo waa wayn oo ku aadan xukuumadda Dan-Qaran, wuxuuna maalmo kahor sidaan kale u magacaabay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha howlaha guud, dib-u-dhiska iyo guriyeynta iyo wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoloojiyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Magacaabista ka socota xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriirta isbeddal wayn ee ay waddo xukuumaddiisa oo dhawan saddex sano jirsatay, si loo dardargeliyo shaqadeeda.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale la yimid isla xisaabtan golaha wasiirada ah, isaga oo kormeer ku tegay dhowr xarumood oo muhiim ah, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo cabasho ay kadib, balse la xalliyay iyo xarumo wasaaradeed oo ku yaalla caasimada oo uu ku tegay booqashooyin, si uu qiimeeyo shaqada ka socota.
Waxaa kale ra’iisul wasaaruhu xalliyay cabashooyin badan oo ka yimid wasaaradaha qaar oo shaqaaluhu ay kasoo cawdeen, isagoo toos u farogeliyay, waxna ka qabtay arrimahaasi.


