28.6 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo ku kala tegay wada-hadalladii Kismaayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Wada-hadalladii u socday Dawladda Federaalka iyo Jubbaland ee magaalada Kismaayo, una dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goordhow lagu kala tegay, iyada oo kulamadii socday tan iyo xalay ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhow kasoo duulay garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, waxaana kasoo sagootiyay Axmed Madoobe, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Wararka ayaa sheegaya in gebi ahaan wada-hadalladii scodan ay noqdeen kuwa lagu kala tagay, iyada oo aan wax natiijo ah la gaarin, kadib markii labada dhinac ay ku adkeysteen mowqifyadooda.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in iyadoo la ilaalinayo in wada-hadalladu burbureen lagu ballamay in lasoo saaro war murtiyeed waji dadbasho ah oo lagu sheegayo in wada-hadalladu ay soo socon doonaan marar kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeystay in Axmed Madoobe uu ka laabto doorashadii Jubbaland, isla markaana uu aqbalo hirgelinta doorashada qof iyo cod, iyo inuu dib ugu soo biiro Golaha Wadatashiga Qaran.

Dhankiisa hoggaamiyaha Jubbaland ayaa isaguna ku gows adeegay in Dowladda Federaalka ay marka hore aqoonsato doorashadii maamulkaasi qabtay, ka hor inta aan laga hadlin qodobada kale ee muranka dhalinaya.

Xogaha ayaa intaasi kusii daraya in wafdigii dhex-dhexaadinta ee ka socday Kenya, ay iyaguna ka ambabaxeen Kismaayo, kuna laabteen magaalada caasimada ah ee Nairobi, maadaama aan lagu guuleysan dadaalladii indhowaanahan soo socday, si xal loo gaaro.

Safarka Xasan Sheekh ee Kismaayo ayaa yimid, xilli todobaadkii hore Axmed Madoobe uu Nairobi kula shiray dhigiisa Puntland iyo xubno kamid ah Madasha Samatabixinta, iyaga oo dhisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ugu tala-galeen waqtiga kala guurka ee dalka, taas oo sii adkayn karta wada-hadallada uu hadda la leeyahay Dowladda Federaalka.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan dadaal ugu jira inuu la kulmo madaxda dowlad-goboleedyada ka hor dhammaadka muddo-xileedkiisa, xilli uu wajahayo mucaaradad xooggan oo ka imaanaysa gudaha caasimadda iyo maamulada qaarkood.

- Advertisement -

Read more

Local News