Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira wada-tashiyo Qaran oo lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida dalka ayaa caawa kulan la qaatay mas’uuliyiinta hay’adaha fulinta iyo sharci dajinta ku matala Somaliland.
Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ka dhageystay tallooyin iyo aragtiyo wax ku ool ah oo ku aadan, hannaanka loo wajahayo, ka hortagga fara-galinta shisheeye iyo ilaalinta midnimada dalka.
Xasan ayaa xubnahan ka dalbaday in ay qaataan doorkooda ku aaddan ilaalinta Qarannimada iyo wadajirka Ummadda soomaaliyeed.
Dhankooda, mas’uuliyiinta Xukuumadda iyo Baaralamaanka dalka ku matala Gobolada Waqooyi (Somaliland) ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyay, dadaalka xooggan ee uu ku bixinayo ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka.
Sidoo kalena waxay ballan-qaadeen in ay kaalintooda ka qaadandoonaan, Ololaha Qaran ee looga hortagayo kala qaybinta dalka.
Kulankan ayaa imanaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku jirto dagaal diblumaasiyadeed adag, oo ay ku ilaalinayso midnimada dalka, kaddib markii Israa’iil ay ku dhawaaqday inay aqoonsatay maamulka Somaliland.
Sidoo kale, wuxuu kusoo aadayaa saacado kaddib markii Senator Cismaan Abuuukar Dubbe, oo ka tirsanaa Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, uu shaaciyay inuu is-casilay, sababo la xiriira aqoonsiga ay Somaliland ka heshay xukuumadda Israa’iil.
Dubbe ayaa sheegay inuu ka laabtay qaddiyadda midnimada dalka ee uu Muqdisho u joogay, isagoo xusay inuu dib ugu laabanayo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, halkaas oo uu hadda ka socdo dabaal-degga aqoonsiga Israa’iil.








