29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay la-taliyaha cusub ee amniga qaranka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Danjire Aweys Xaaji Yuusuf u magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha. Magacaabistan ayaa ku timid xilli uu dalka wajahayo caqabado dhanka amniga ah, iyadoo Villa Somalia ay dooneyso inay xoojiso dadaallada istiraatiijiyadeed ee la-dagaallanka argagixisada.

Danjire Aweys waa siyaasi iyo diblomaasi khibrad dheer u leh maamulka iyo amniga qaranka. Intii u dhaxeysay 2012 ilaa 2016, wuxuu hogaaminayay Xafiiska Qorshaynta Siyaasadda ee Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo uu door muuqda ka qaatay dejinta siyaasadaha guud ee amniga, dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta dowladda.

Waxa uu sidoo kale hormuud ka ahaa wada-hadallada heerka sare ee amniga iyo iskaashiga dhaqaale ee dowladda Federaalka iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah.

Danjire Aweys wuxuu ahaa Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga intii u dhaxeysay 2023 ilaa 2025, isagoo door muhiim ah ka ciyaaray xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed iyo amni ee labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Danjire Aweys waayo-aragnimadiisa qotada dheer iyo hogaamintiisa, wuxuuna ka rajeeyay in uu door muuqda ka qaato xoojinta amniga qaranka iyo hirgelinta istiraatiijiyadda dowladda ee la-dagaallanka argagixisada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka, Mudane Xuseen Macallin Maxamuud, dadaalkii uu geliyay horumarinta amniga qaranka muddadii uu xilka hayay, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Xuseen Macallin Maxamuud, ayaa xilka ka tegay dhammaadka bishii hore ka dib cadaadis siyaasadeed oo baahsan, fadeexad la xiriirta gargaar militari oo la lunsaday, iyo khilaafyo istiraatiijiyadeed oo ku saabsan arrimaha gudaha iyo dibedda.

Inkasta oo uu si rasmi ah u gudbiyay is-casilaad horraantii bishii Maajo 2025, haddana warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Villa Somalia ay cadaadis ku saartay in uu xilka ka dego 25-kii Luulyo. Khilaafyada ugu waaweyn ee horseeday go’aankaasi waxaa ka mid ahaa:

Khilaafka ayaa la sheegay inuu sii xoogeystay horraantii 2024-kii, kaddib markii ay soo baxday fadeexad ku saabsan lunsashada gargaar uu Mareykanku siin jiray Guutada Danab, oo ah ciidan khaas ah oo Kumaandoos ah oo uu Mareykanku tababaray si ay u hoggaamiyaan hawlgallada la-dagaallanka argagixisada.

Baaritaan ay hoggaaminayeen Mareykanku bishii Abriil 2024, ayaa lagu ogaaday in la lunsaday raashin gargaar ah iyo agab kale oo loogu talagalay ciidanka Danab. Sida ay sheegeen ilo-wareedyada Caasimada Online, saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliyeyaal sare oo militari ayaa ku eedeeyay xafiiska Xuseen Macallin inuu ku guuldarreystay inuu si ku filan uga jawaabo eedeymahaas.

Xuseen wuxuu la soo baxay mowqif ka dhan ah weerarro laga qorsheeyay Jubaland, isagoo ka digay in tallaabo militari ay keeni karto kala qaybsanaan ka dhex dhalata Ciidanka Xoogga Dalka.

Waxaa sidoo kale lagu warramay in Xuseen Macallin uu qoray buug dhowaan soo bixi doona, kaasoo faahfaahinaya habka shaqo ee hay’adaha amniga Soomaaliya, xiriirka ay la leeyihiin quwado shisheeye, iyo go’aan qaadashada Villa Somalia. Warbixintaasi ayaa la sheegay in ay walaac weyn ku keentay madaxtooyada, iyadoo laga baqayo in xog xasaasi ah oo dawladda ah ay banaanka timaaddo.

Dhacdadii ugu dambeysay ee dhabbaha u xaartay is-casilaadda ayaa ahayd markii markab siday hub loogu talagalay saldhigga Turkiga ee TURKSOM loo leexiyay Puntland, taasoo dhalisay shakiyo cusub oo siyaasadeed.

- Advertisement -

Read more

Local News