26.9 C
Mogadishu
Saturday, August 23, 2025

Xildhibaannada Waqooyi Bari oo guddoomiye u doortay shaqsi u dhow Firdhiye

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa maanta lagu qabtay doorashada guddoonka baarlamaanka maamulkaasi, iyada oo lagu soo doortay guddoomiyaha cusub ee hoggaamin doono baarlamaanka Waqooyi Bari

Dr. Aadan Cabdullahi Aw-Xasan ayaa loo doortay xilka guddoomiyaha, kadib markii uu helay 53 cod, halka musharrixii kale ee la tartamayay Cabdiqafaar Dheeliye uu isna helay 29 cod, sida uu shaaciyay guddoomiyaha KMG ah ee golaha wakiilada Waqooyi Bari.

Ninkan ayaa hayb ahaan kasoo jeeda Beesha Hawiye, Cayr, Fiqishini, waana musharraxii ay dhiseysay Dawladda Federaalka oo sidoo kale kamid ah garabka Firdhiye, waxayna sidoo kale tan sii go’aamin doontaa natiijada doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi.

Sidoo kale waxaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Waqooyi Bari  Soomaaliya loo doortay Xildhibaan Amran Axmed Xasan, halka ku xigeenka labaad uu isna ku guuleystay Xildhibaan Cabdirsaaq Jaamac Warsame oo tartan adag u kalay kursigaasi.

Doorashadan oo mid degdeg ah ayaa lagu dhammeystirayaa maamulkan cusub, waxaana doorashada guddoonka kusii xigi doonta mida guud ee madaxweynaha oo iyana xiiso leh, maadaama ay ku tartami doonaan musharrixiin saameyn leh.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale goobjoog ka ah howlaha dib u dhiska maamulka cusub ee Waqooyi Bari, waxayna weli dadaallo dheeraad ah ka waddaa magaalada Laascaanood ee xarunta Sool.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in doorashada hoggaanka maamulkan ay shaqsi gaar ah u wadato Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo galaangal xooggan ku leh hannaanka doorasho ee maamulkaasi, waana hoggaamiyaha hadda talada haya ee Cabdulqaadir Firdhiye oo dhowaan ku biiray xisbiga wayn ee uu dhisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowladda dhexe ayaa dooneysa in maamulka cusub uu mar kale hoggaamiyo Firdhiye oo kumeel-gaarkii kasoo saaray, halka ay jagada madaxweyne ku-xigeenka la sheegay inay u xulatay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Jibriil oo ka soo jeeda  Sanaag, kaas oo ka baxay Puntland, kadibna dhaq-dhaqaaq culus ka bilaabay Waqooyi Bari.

Si kastaba, maamulkan cusub ayaa ah natiijo ka dhalatay colaad dhiig badani ku daatay, taas oo marxaladdo kala duwan soo martay, ugu dambeyntiina dhashay maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya

- Advertisement -

Read more

Local News