25.7 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Xiisad ka taagan Guriceel, Gaari ciidan oo rogmaday iyo ciidamada Ethiopia…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Galgaduud (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xiisad colaadeed ay ka jirto deegaanadii dhawaan lagu dagaalamay, gaar ahaan degmada Guriceel.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in 21 gaari oo dagaal ay saaka ka dhaqaaqeen degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, kuwaasi oo ku wajahnaa degmada Guriceel, iyadoo aan ujeedada la ogeyn.

Qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Dhuusomareeb oo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegaya in gaadiidka dagaalka ee ka baxay magaalada loo malaynayo in xiisad dagaal ay u aaden degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Xogta Caasimada Online ay helayso ayaa sidoo kale sheegaysa in mid kamid ah gaadiidkaasi uu kula rogmaday ciidamadii saarnaa meel ku dhow deegaanka Ceeldheere oo qiyaastii 29 km u jirta degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Waxaa laga baqayaa indagaalo kale ay ka dhacaan gobolka Galgaduud, waxaana dadka soo foodsaartay baqdin horleh, siday Caasimada u sheegeen qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Dhuusomareeb.

Dhinacyada ku dagaalamay Galgaduud ayaa dhawaan kala saxiixday hishiis xabad joojin ah muddo seddex maalmood ah.

Wararka kale ee Caasimada Online ka helayso magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in saaka magaalada lagu arkay ciidamo badan oo Ethiopian ah, kuwaasi oo horfadhiya guryaha ku yaala magaalada.

La soco waxii kusoo kordhaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News