25.6 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Degmo loo magacaabay guddoomiyihii 5-aad muddo 2 sano gudahood ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Baay ayaa Guddoomiye cusub u magacaabay degmada Buurhakaba, kadib wareegto uu soo saaray guddoomiyaha Gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Baay Cali Wardheere C/raxmaan ayaa magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Buurhakaba, waxaana xilkaasi loo magacaabay Maxamed Ibraahim Nuur.

Maxamed Ibraahim Nuur, ayaa noqonaaya Guddoomiyihii 5aad oo xilkaasi qabta muddo Labo sano gudahood.

Gudoomiyihii hore ee degmada Buurhakaba ayaa dhaawac kasoo gaaray Qarax lagula eegtay degmadaasi Muqdisho ugu geeriyooday.

Guddoomiyaha gobolka Baay Cali Wardheere C/raxmaan, ayaa Guddoomiyaha cusub kaga digay inuu ku kaco fal lid ku ah cadaalada.

Waxa uu ku wargaliyay in xilkiisa uu ku weyn doono haddii uu maciin bido Musuq iyo nin jecleysi.

Si kastaba, Guddoomiyaha cusub ayaa leys weydinayaa waxa uu qaban doono, maadaama 2sano gudahooda ay degmadaasi ku yeelatay 5 Guddoomiye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News