28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Degmooyinka Gobolka Banaadir oo loo qaybiyay A iyo B iyo Kaxda oo..

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa diiradda ku saaray arrimaha doorashooyinka qof iyo codka ah, waxayna warbixin ka dhageysteen guddiga doorashada.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Wasiirrada la wadaagay qorshahooda ku aadan hal qof iyo hal cod oo loo asteeyay inay bilowdaan dhammaadka bisha soo socota ee Novermber ee sanadkan 2025.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee la xiriirta darajooyinka Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyada oo la raacayo sharciga dooraashooyinka ee qeexaya habraaca darajooyinka Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Darajooyinka loo asteeyey degmooyinka ayaa loo kala qayb-biyay A iyo B, waxayna kala yihiin sagaal degmo oo darjada (A) ah iyo toddabo degmo oo darjada (B) ah.

Degmooyinka Darajada (A)
1. Hodan
2. Yaaqshiid
3. Deyniile
4. Kaaraan
5. Dharkeenley
6. Wadajir
7. Warta-Nabadda
8. Heliwaa
9. Howl-wadaag
Degmooyinka Darajada (B)
1. Waaberi
2. Shibis
3. Xamar-jajab
4. Boondheere
5. Xamar-weyne
6. Cabdicasiis
7. Shangaani

Sida ka muuqata shaxdan waxaa gebi ahaan liiska degmooyinka rasmiga ah laga saaray degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, waxaana lala meel dhigay degmooyinka cusub ee Garasbaaley, Gubadley iyo Daarusalaam oo iyagana aan ku soo bixin liiska lasoo saaray

Arrintan ayaa keentay dood wayn, iyada oo si aad ah loogu falanqeeyay baraha bulshada ee Internet-ka, waxaana shacabka ay su’aalo ka keeneen tallaabadaasi.

Dhanka kale, Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansxiyey shuruuc iyo heshiisyo muhiim u ah dalka, kuwaas oo kala ah;

𝟏. 𝐗𝐞𝐞𝐫-𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐡𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐫𝐚𝐚𝐬𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐭𝐚𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚.
𝟐. 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞-𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐥𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.
𝟑. 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐥𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐭𝐢𝐜𝐦𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐛𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐝d𝐮𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐚𝐟𝐬𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐫𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡.
𝟒.𝐗𝐞𝐞𝐫 𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐚𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚.

- Advertisement -

Read more

Local News