Muqdisho (Caasimada Online) – Dekedaha Muqdisho iyo Berbera ayaa noqday kuwa ugu horreeya ee bariga Afrika, sida lagu sheegay warbixinta halbeegga CPPI (Container Port Performance Index) taas oo ay si wadajir ah usoo saareen Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Xog-uruurinta Suuqa Caalamiga ah.
Warbixintan oo lagu qiimeeyay illaa 407 dekadood oo aduunka ah oo ay ku jiraan 47 dekadood oo Afrika ku yaalla ayaa waxaa dekedda Muqdisho ay gashay kaalinta koowaad ee bariga Afrika, halka ay caalamka ka gashay kaalinta 163-aad.
Sidoo kale, dekedda Berbera ayaa iyana gashay kaalinta labaad ee bariga Afrika, halka aduunka ay ka gashay kaalinta 243-aad, sida ku cad warbixinta qiimeynta ee 2024.
Labada dekadood ayaa sidaas ku noqday kuwa ugu waxqabadka wanaagsan ee bariga Afrika, iyaga oo ka hormaray dekadaha faca wayn ee ku yaalla gobolka.
Warbixinta ayaa si gaar ah loogu eegay waqtiga ay markabka ku qaadaneyso inuu yimaado dekadda, kana shiraacdo, waxayna Muqdisho noqotay midda ugu horreysa ee bariga Afrika, halka labaadna ay kusoo baxday dekedda Berbera ee maamulka Somaliland.
Dhinaca kale, bayaan kasoo baxay wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay ku faraxsan tahay in labada dekadood ee Muqdisho iyo Berbera loo aqoonsado kuwa ugu horreeya ee Afrika, ayna muujineyso waxqabadkooda.
“Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda JFS waxay ku faraxsantahay inay ku dhawaaqdo in dekadaha Muqdisho iyo Berbera loo aqoonsaday dekedaha ugu waxqabadka wanaagsanaa Bariga Afrika sannadkii 2024,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in guushan ay ku timid dadaalka ay sameysay dowladda Soomaaliya ee ku aadan horumarinta dekedaha ku yaalla gudaha dalka.
“Guushan waxay muujinaysaa dadaalka Dowladda Federaalka, Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda, maamulka dekedaha, shirkadaha maamula iyo iskaashiga ganacsatada gaarka loo leeyahay ay geliyeen sare u qaadidda adeegga dekadaha” ayaa lasii raaciyay
Ugu dambeyn Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay ka go’an casriyeynta dekedaha dalka, kordhinta hufnaanta iyo in laga dhigo marinno lagu kalsoonaan karo oo ganacsiga caalamiga ah.


