29.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Dekedda Muqdisho oo lagu qabtay konteenar halis ah oo ay ka buuxaan…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigay konteenar halis ah oo ay ku jiraan maandooriyayaal laga soo dajiyay dekedda wayn ee Muqdisho, isla markaana la doonayay in la iib geeyo.

Afhayeenka Booliiska, Cabdifataax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay gudaha dekedda Muqdisho, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ammaanku ku guuleysteen helitaanka maandooriyaha kadib markii ay heleen xog sirdoon oo horseeday in la qabto.

Cabdifitaax ayaa xaqiijiyay in maandooriyaha lagu soo dhex qariyay daawooyin, balse ay ku ogaadeen fatashaad ay ku sameeyeen, sidaasna lagu qabtay.

Waxa uu sheegay in konteenarka laga dhex helay kaniiniyo loo isticmaalayo daroogo, kuwaas oo ka mid ah daawooyinka mamnuuca ah ee halista ku haya bulshada, gaar ahaan dhallinyarada.

“Alaabtaan aad u jeedaan waa daawo, isla markaana waa sun daawada waxaa loogu talagalay in qiyaas laga isticmaalo laakiin magaalada Muqdisho waxaa kusoo badatay in daawadii loo isticmaalo maandooriye ahaan” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay ciidanka ammaanka iyo maamulka dekadda, maadaama ay muujiyeen feejignaan dheeri ah, ayna ka hortageen in maandooriyahaan uu gudbo.

“Waxaa lagu soo dhex qariay Paracetamol baakad ku jira, si loo dhaafiyo dekedda Muqdisho laakiin maamulka iyo laamaha amiga oo aad u feejigan ayaa waxa ay qabteen wixii gudaha ku jiray inay ogaadaan” ayuu mar kale Cabdifitaax Aadan Xasan.

Waxaa kale oo uu ku daray “Taas waxay noo suuragelisay maandooriyahan oo kunteenarkan buuxa ah in gacanta lagu soo dhigo, waxaana u mahadcelinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay”.

Afhayeenka Booliska ayaa sidoo kale xusay in kiiskan loo soo xiray eedeysanayaal, isla markaana la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo sharci ah.

“Eedeysanayaasha qaar waa la hayaa oo baaris ayaa ku socota, milkiilayaashii waraaqaha is dhaafsaday ee labada dekadood soo gudbiyay waa lagu daba jiraa” ayuu sii raaciyay.

Waa markii labaad oo muddo laba bil gudahood oo uu Booliska Soomaaliya qabanayo maandooriye halis ah oo laga soo dajiyay dekedda wayn ee magaalada Muqdisho

- Advertisement -

Read more

Local News