Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa mar kale dekedda weyn ee Muqdisho ku soo bandhigay kunteenarro ay ka buuxeen waxyaabo maanka dooriya oo si qarsoodi ah loogu soo gelin rabay suuqyada caasimadda.
Maandooriyahan lagu qabtay dekedda Muqdisho ayaa ah nooc mudooyinkii u dambeeyay si isa soo taraysa ugu faafayay isticmaalka dhallinyarada Soomaaliyeed, kaas oo ah kaniiniyo halis ku ah nolosha dadka isticmaala.
Taliyaha Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha ee Booliiska Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in hay’adaha amniga dekedda ay gacanta ku dhigeen hal kunteenar oo maandooriye si xeeladeysan loogu soo qariyay.
Jeneraal Bariise ayaa sheegay in tani ay tahay markii afaraad oo la soo bandhigo maandooriye laga soo dejiyay dekedda.
Waxa uu farriin u diray ganacsatada ku howlan keenista waxyaabahaas, kuna boorriyay inay ka waantoobaan falalkaas isla markaana dalka u keenaan wax bulshada anfaca.
Sidoo kale, taliyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in tallaabooyin sharci oo adag laga qaadi doono dadkii ka dambeeyay keenista kunteenarkan maandooriyaha ah, kuwaas oo halis ku ahaa bulshada iyo amniga guud ee magaalada Muqdisho.
Booliska Soomaaliya ayaa sidan oo kale marar kala duwan ugu soo bandhigay Dekada magaalada Muqdisho kunteenaro sida waxyaabaha maanka dooriya.
Tan ayaa noqonaysa markii afaraad oo sanadkan gudihiisa ciidamada amaanka ay ku qabtaan gudaha dekedda weyn ee Muqdisho kunteenar lagu soo qariyay maan dooriyaal halis ku ah nolosha qofkii isticmaala.

