Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigay laba konteenar oo ay ku jireen maandooriyayaal la soo qabtay, kadib hawl-gal ay ka fuliyeen dekedda weyn ee caasimadda.
Qabashadaan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo maandooriyeyaasha noocan ah ay muddooyinkii dambe si xawli leh ugu soo badanayeen isticmaalka dhallinyarada Soomaaliyeed.
Afhayeenka Booliiska, Cabdifataax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay gudaha dekedda Muqdisho, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ammaanku ku guuleysteen helitaanka maandooriyaha kadib markii ay heleen xog sirdoon oo horseeday in la qabto.
Waxa uu sheegay in konteenarrada laga dhex helay kaniiniyada Taramadol iyo Bilig Bilig, kuwaas oo ka mid ah daawooyinka mamnuuca ah ee halista ku haya bulshada, gaar ahaan dhallinyarada.
Sidoo kale, waxaa ku jiray sharoobooyinka loo yaqaan Koodhiin oo loo adeegsado si khaldan, kuwaas oo dhammaantood loo aqoonsaday maandooriye khatar ah.
“Waxaa laga dhex helay 17 kartoon oo Taramadol ah, 112 kartoon oo Bilig Bilig ah, iyo 120 kartoon oo sharoobo Koodhiin ah, kuwaas oo halis weyn ku haya caafimaadka dhallinyarada,” ayuu yiri afhayeenka Cabdifataax.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono ganacsatada ka dambeeya keenista maandooriyeyaashan, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay si ula kac ah u halis gelinayaan mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed.
Arrintan ayaa dhacday iyadoo maalin ka hor garoonka diyaaradaha Aadan Cadde lagu qabtay maandooriyayaal kale oo la doonayay in si qarsoodi ah magaalada lagu soo geliyo.