Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid Cabdullah Deni ayaa maanta xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka kula kulmay magaaada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah.
Deni ayaa xildhibaannada uu la kulmay oo ah kuwa mucaaradka kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka oo uu weli ka taagan yahay muran xooggan.
Ilo wareedyo ku dhow kulanka ayaa innoo xaqiijiyay in Madaxweynaha Puntland uu xildhibaannada ku adkeeyay inay ka shaqeeyaan fulinta qodobadii xalay kasoo baxay shirkii Golaha Mustaqbalka ee lagu soo gabagabeeyay Kismaayo.
Sidoo kale, wuxuu ku booriyay inay qaataan kaalintooda, isla markaana ay door firfircoon ka qaataan sidii loogu gubi lahaa marxaladda adag ee lagu jiro.
Shirka Kismayo oo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray xaaladda amni, dhaqaale iyo bani’aadantinimo ee Soomaaliya.
War-murtiyeedkan ayaa lagu caddeeyay in maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku fashilmay siyaasaddii, amnigii iyo horumarinta dalka, isla markaana uu la yimid siyaasad lagu kala qeybinayo, laguna kala irdhaynayo shacabka Soomaaliyeed.
“Shirweynuhu wuxuu isku raacay in Madaxweynuhu uu dayacay ammaankii dalka, isagoo gebi ahaanba joojiyay dagaalkii lagula jiray argagixisada Al-Shabaab, ciidankii xoogga dalkana u loogay cadowga,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka mucaaradka.
Sidoo kale wuxuu goluhu waxba kama jiraan ku sheegay wax ka beddelka dastuurka ee Dowladda Federaalka sameysay, iyadoo goluhu caddeeyay in uusan marnaba aqbaleyn muddo kororsi sharci darro ah, taas oo uu sheegay inay abuurayso xasillooni darro siyaasadeed, firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.
Shirweynaha ayaa isku raacay haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyadan uu Golaha Mustaqbalka guda galayo sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.


