27 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

DENI oo arrin xasaasi ah ka dalbaday Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo xalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa farriin toos ah u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay si weyn isugu hayaan arrimaha guud ee siyaasadda dalka.

Deni ayaa marka hore ku ugu baaqay Madaxweynaha iyo xukuumadda inay aqbalaan go’aannada kasoo baxa shirkooda, ayna u istaagaan xalka guud.

“Waxaan rajeynayaa madaxda DFS oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha inuu baaqa kasoo baxay si niyadan uu u abaari doono, waa xog ogaal waa maraaxil uu soo maray, isla markaana dareenkeeda qabo” ayuu yiri Saciid Deni.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday Madaxweynaha inuu ka istaago waddada uu ku socdo, isla markaana uu saxo qaladaadkiisa, si loo badbaadiyo dalka.

”Wixii qalad aad gashay way qaldameen Madaxweynow laguuma qabsanaayo ee hada ka istaag waddada halista ah hadaad miyir leedahay” ayuu raaciyay.

Shirka Kismayo oo xalay laga soo saaray war-murtiyeed ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray xaaladda amni, dhaqaale iyo bani’aadantinimo ee Soomaaliya.

War-murtiyeedkan ayaa lagu caddeeyay in maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku fashilmay siyaasaddii, amnigii iyo horumarinta dalka, isla markaana uu la yimid siyaasad lagu kala qeybinayo, laguna kala irdhaynayo shacabka Soomaaliyeed.

“Shirweynuhu wuxuu isku raacay in Madaxweynuhu uu dayacay ammaankii dalka, isagoo gebi ahaanba joojiyay dagaalkii lagula jiray argagixisada Al-Shabaab, ciidankii xoogga dalkana u loogay cadowga,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka mucaaradka.

Sidoo kale wuxuu goluhu waxba kama jiraan ku sheegay wax ka beddelka dastuurka ee Dowladda Federaalka sameysay, iyadoo goluhu caddeeyay in uusan marnaba aqbaleyn muddo kororsi sharci darro ah, taas oo uu sheegay inay abuurayso xasillooni darro siyaasadeed, firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.

Shirweynaha ayaa isku raacay haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyadan uu Golaha Mustaqbalka guda galayo sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

- Advertisement -

Read more

Local News