27.9 C
Mogadishu
Saturday, November 1, 2025

DENI oo ku dhawaaqay go’aan culus oo lagu soo afjarayo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo ka hadlayay arrimo la xiriira ammaanka iyo howlgalka Hilaac ayaa ku dhawaaqay inay ka go’an tahay soo afjraridda Daacish iyo Al-Shabaab oo weli ku sugan gobolka Bari.

Deni ayaa sheegay in howlgalka Hilaac oo muddo soo socday ay ka gaareen guullo waa wayn, maadaama lagu xoreeyay dhul ballaaran oo ku yaalla buuraha Calmiskaad.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in halganka uu sii socon doono, isla markaana ay xoojin doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan Daacish iyo Al-Shabaab.

Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in  howlgalka Hilaac uu la kulmay duruufo kala duwan, balse haatan uu kasoo kabtay, waxaana uu boggaaadiyay cid weliba oo ku gacan siisay Puntland.

Waxaa kale oo uu ciidamada difaaca Puntland faray in ay xoogga saaraan kordhinta howlgallada kooxda Daacish lagaga xoreynayo buuraha gobolka Bari.

“Muddo sanad ku dhow waxa ay ciidankeennu horumar ka sameeyeen howlgalka sifaynta, meelaha ay ku dagaalamayaan xitaa ma ahan meelo ay baabuurtu geli karaan oo aanay xitaa sidoo kale geli karin owrtu, Diyaarado ayaa wax looga daadiyaa, intaas waxa ay u samaynayaan waa in ay soo afjaraan Kooxaha Argagixisad, waxaa naga go’an aan soo afjarno kooxahaas” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni.

Ciidamada Puntland ayaa muddo ku dhow laba sano ku jira howl-galka ka dhanka ah kooxda Daacish oo maamulka uu doonayo inuu ku wiiqayo awoodda ururkaas. Howl-galkan ayuu maamulku sheegay inuu marayo heer gaba-gabo ah, iyadoo diiradda la saarayo hawl-gallada ka socda buuraleyda Calmadow.

Inkastoo kooxdu ay lumisay deegaano muhiim ah oo muddo badan ku xooganeyd, haddana maamulka si dhameystiran uma soo afjarin, iyadoo haatan ay soo baxayso inuu gaabis ku yimid dardartii uu ku bilowday dagaalka.

Si kastaba, tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka Daacish waxa uu maamulka Puntland sheegay inuu dilay boqolaal dagaalyahan oo isugu jiro Soomaali iyo ajaanib ah oo ka tirsanaa kooxda Daacish.

- Advertisement -

Read more

Local News