28.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

DENI oo loo jeediyay in uu xilka ka qaado oo uu soo xiro wasiir dhaliyey fadeexad

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay gefkii uu Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir shalay kula kacay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, kadib markii uu ugu xad-gudbay si shaqsi ah.

Maxamuud Caydiid Dirir ayaa shaki geliyay dhalashada Ra’iisul wasaare Xamza, wuxuuna ku tilmaamay qof marxuum ah, sidoo kalena kamid ahaa dadkii Xamar lagaga qaxay 1991-kii, sida uu hadalka u dhigay.

“Xamza waa marxuum ciqaab ku jira, shaki ayaana igaaga jira inuu u dhashay reerka uu sheeganaayo, dadkii Xamar lagaga qaxay 1991-kii ayuu jiray” ayuu wasiirku.

Intaas kadib Puntland ayaa la kulantay dhaleeceyn xooggan, waxaana eedeymo waawayn loo jeediyay xukuumadda Puntland ee uu ka tirsan yahay Wasiirka, iyada oo dad badan ay ka caroodeen gef-ka uu ku kacay Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Dr. Mukhtaar Maxamed Cali oo ka faallooda arrimaha siyaasadda dalka ayaa sheegay in arrintan ay ceeb wayn ku tahay mas’uulka jeediyay, ayna sidoo kale fadeexo ku tahay Puntland.

“Dadka Soomaaliyeed kala tegi laakiin la ceeboobo oo dadka la dacayadeeyo ma’ahan waa gef weyn, mana la caayn karo iyaga iyo ilmahooda” ayuu yiri Dr Mukhtaar.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay  “Haddii Madaxweynaha ama Ra’iisul wasaaraha shaqadii loo igmaday ay wax kasoo noqdaan waa la dhaliili karaa, laakiin dadka mas’uuliyiinta ah si walba ha noqdeen in la caayo oo Media-yaha laga caayo waa akhlaaq darro, saxna ma’aha”.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Wasiir Caydiid aanu qaadi karin mas’uuliyad, sidaas darteedna uu ka dalbanayo Madaxweyne Deni inuu xilka ka qaado, kadibna uu xiro.

‘Waxaa ku fiicneyd in la xiro oo xabsiga laga dhigo oo la yiraahdo maxaad u caayday Ra’iisul wasaaraha? xaqna u malaha nin ceynkaas ah inuu noqdo Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland, waxaana weeye qof aan dhammeystirneyn” ayuu mar kale yiri.

Gefka uu ka kacay Wasiirkan ayaa dhaliyay dhaleeceen xooggan, waxaana ka carooday dad badan oo Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwa kasoo jeedo Puntland oo sheegay in Wasiirku aanu metalin hadalkaasi, ayna u arkaan gef cad oo uu u gaystay Ra’iisul wasaaraha qaranka.

- Advertisement -

Read more

Local News