25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

DENI oo magacaabay gudoomiyaha maxkamadda sare Puntland iyo xubno kale

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Wareegto uu soo saaray madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Deni ayaa waxaa xilka guddoomiyaha maxkamadda sare ee maamulkaasi loogu magacaabay Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) oo horey u ahaa  Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Deni ayaa sidoo kale Nuur Ciiise Maxamed uu magacaabay inuu noqdo guddoomiye   ku xigeenka maxkamadda Sare ee Puntland

Halkan hoose ka aqriso wareegtada:-

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 21 ee 30ka March 2022 kuna saabsan dhismaha Maxkamadda Sare ee Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland Qodobkiisa 90-aad
Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Puntland.
Markuu la tashtay : Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland

Wuxuu Xeeriyey:
Magacaabid

1. Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Puntland

2. Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiye   Kuxigeenka Maxkamadda Sare ee Puntland

3. Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Puntland

4. Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Puntland

5. Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Puntland.

Waxaa kale oo la magacaabay

B. Keydka

1. Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin
2. Cabdishaafi Axmed Cali Xubin

T. Xubno Guddi

1. Daahir Maxamed Nuur
2. Xasan Cabdi Cilmi

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

- Advertisement -

Read more

Local News