24.9 C
Mogadishu
Sunday, January 4, 2026

Saciid Deni oo ka aargutay ciidanka Danab ee Puntland

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) –  Taliska Ciidanka Kumaandooska Danab ee Puntland oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Saciid Deni iyo xukuumaddiisa inay ka joojiyeen dhammaan xuquuqaadkii ay ku lahaayeen maamulka, tallaabadaas oo loo arkay aargudasho ka dhan ah ciidanka.

Ciidamadan oo uu hoggaamiyo Jeneraal Jimcaale Jamaac Takar ayaa ku dooday in xuquuqdoodii la dudsiiyay, isla markaana loogu daray hanjabaadyo joogto ah, sida ay ku caddeeyaan qoraalkooda.

Sidoo kale, waxa ay intaasi ku dareen in difaaca Puntland ay uga dhinteen in ka badan 100 askari, ayna uga naafoobeen 50 kale, weliba ay diyaar usii yihiin in ay ka shaqeeyaan amniga iyo xasiloonida deegaanka.

Waxa kale oo ay soo dhaweeyeen ciidamada cusub ee Booliska ee loo sameeyay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, iyaga oo ballan qaaday inay kala shaqeyn doonaan ammaanka Caasimada.

Dhanka kale waxa ay fariin culus u direen shacabka, iyaga oo sheegay in ay la dareen yihiin, ayna ka qayb qaadan doonaan isu soo baxyada roob-doonka ee ka socda Puntland.

Ciidamada Danab ayaa horay uga horyimid doorashooyinkii ka dhacay Puntland ee uu kusoo baxay Madaxweyne Saciid Deni, waxaana tan markaas huursanaa khilaafka kala dhexeeya Madaxtooyada.

Sidoo kale, waxay horay ula dagaalameen dowladda, kadib markii uu iska horimaad toos ah ka dhex qarxay bishii June ee sanadkii 2023, kaas oo sababay khasaare badan oo isu jiray naf iyo maal.

Dhawaan ayay sidoo kale ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in Puntland ay mushaaraadkii ka goosatay ciidamadii ka howlgalayay gobollada Sool iyo Cayn, iyada oo ku eedeysay in ay taageereen maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya, isla markaana ay diideen inay qaataan amarrada ka imaanaya Garoowe.

- Advertisement -

Read more

Local News