25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 15, 2025

Saciid Deni oo war culus soo saaray kadib shirkii Xasan Sheekh ee maanta baaqday

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo maanta furay Kal-fadhiga 56-aad ee Golaha Wakiilada maamulkaasi ayaa jeediyay khudbad xasaasi ah oo uu uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Ug horreyn Saciid Deni ayaa soo hadal qaaday gogosha uu dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh ee maanta baaqatay, isaga oo xusay in markii horeba aan si wanaagsan loo qorsheyn, maadaama uu taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay doorashada.

Deni ayaa ku taliyay in haatan la balaariyo shirka, si uu noqdo mid loo dhan yahay oo xal u noqda xiisadda gudaha ee taagan, si loo badbaadiyo dalka.

“Shirkii maanta madlanaa ee 15-ka waa baaqday ma ahayn wax markiisii hore si fiican looga baaraan dagay, haddana waxaan ku talinayaa shir loo dhan yahay oo dhab ka hadal ah oo dalka lagu samatabixinayo uu dhaco” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland.

Sidoo kale waxa uu garab istaag buuxa u muujiyay Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ay ku dhowaaqeen xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna tilmaamay inuu soo dhaweynayo dhismaha golahan.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale shaaciyay in Puntland ay markii horaba qabtay in loo istaago samatabixinta dalka, lana ilaaliyo Dastuurka KMG ah ee heshiiska lagu yahay.

“Waxaan rabaab inaan soo dhaweeyo golaha maalin dhoweyd Xamar looga dhowaaqay ee Samatabixinta oo runtii aan ku boggaadinayo in mabaadii’ aas aasi ah oo dhinaca aragtida dowlad dhiska Soomaaliya ay Puntland horay u qabtay inay la qaateen oo ugu muhiimsan tahay in la ilaaliyo dastuurkii dadkan ay ku heshiiyeen iyo la helno hannaan doorasho oo loo wada dhan yahay” ayuu mar kale yiri Madaxweynuhu.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaa dhacay nasiib darro aan la fileyn waxaa maanta bulshada Soomaaliyeed ay gaarsiisan yihiin inay mar labaad niyad-jab ka qaadaan dowladnimadii Soomaaliya oo ah arrin halis ah”.

Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin culus diray dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay u istaagaan samatabixinta dalka, si looga hortago in mar kale ay kala tegto Soomaali.

“Haddii marxaladdan Samatabixinta dhici waydo wuxuu dalka halis ugu jiraa kala go’-go’ oo in laga soo kabto waqti badan ay qaadan doonto” ayuu mar kale yiri Madaxweynuhu.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli halkiisii yahay khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka, kaas oo gaaray meeshii ugu sarreysay, waxaana mar hore go’ay xiriirkii iyo wada shaqeyntii tooska ahayd ee u dhexeysay Garoowe iyo Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News