Deni oo war cusub kasoo saaray dagaalkii Laascaanood iyo maamulka SSC-Khaatumo

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa mar kale ka hadlay dagaalladii dhex-maray maamulka Somaliland iyo ciidamada SSC-Khaatumo ee dadka badan ay ku dhinteen.

Deni ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed ka soo daashey dagaal sidaas darteed loo baahan yahay wada noolaansho iyo deris-wanaag waxaana uu Somaliland ugu baaqey in ay joojiyaan colaada ay u soo abaabuleyso gobolka Sool.

“Waxaa xaqiiqo ah dagaalkii gobolka Soola ka dhacay oo dadka reer Puntland iyo dhamaan SSC is-difaac iyo in ay karaamadooda ilaaliyaan ku dhacay, waxaan ku baaqeynaa in dagaalkaasi aanu mar danbe soo noqon, waxaan ka rajeyneynaa maamulka Somaliland in uu nabadda iyo wanaaga ka shaqeeyo, waxaan diyaar u nahay in cidkasta oo nabad iyo wanaag dooneysa aan la fariisano,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlaayey siyaasadda SSC-Khaatumo ay Puntland ku wajahayso ayaa yiri “Waxa muhim ah in dadka doonitaankiisa la ilaaliyo, SSC-Khaatumo waa xaqiiqo jirta, horey ayaan u sheegnay, waxaan ixtiraameynaa ra’yigooda. Waxaan rajeyneynaa xukuumadda Puntland oo ku dhisan dastuurkeeda iyo qawaaniinteeda oo dhulkii iyo dadkii asaasey ay saldhig u yihiin, haddana deegaankii doona in ay aragti cusub la yimaadaan, dowladda Puntland si degan oo maslaxadda dalku ku jirto ayey u abaareysaa….”

Madaxweynaha Puntand ayaa ku baaqey in colaad laga soo daaley, dhankooda ay is xakameynayaan oo doonayaan wada noolaansho iyo nabad, cidkasta oo nabad dooneysa ay la fariisanayaan.