Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa shaaciyay in uusan maamulka Puntland ku metelin mowqifkii uu uga horyimid aqoonsiga Somaliland.
Wasiir Caydiid oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in diidmada aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland uu ahaa aragtidiisa shaqsiga ah oo uusan ku metelin maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Deni.
“Waxaa muuqata in dad badani waraysiga aan bixiyey khalad u u fahmeen. Waxaan bogayga rasmiga ah ku cadaynayaa in waraysiga aan bixiyey uu yahay aragtida Anigu aan ka qabo midnimada Dalka Soomaaliya mana aha Mawqifka Dawladda Puntland,” ayuu yiri Wasiir Caydiid.
Saciid Deni oo tan iyo markii ay Israa’iil ku dhawaaqday aqoonsiga Somaliland ka maquurtay arrintaan ayaa la fahamsan yahay inuu Wasiirka ku qasbay inuu ka laabto hadalkiisi, uuna sheego in mowqifka Puntland uusan aheyn.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in aysan marnaba gorgortan ka galayn midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed, wuxuuna si cad uga soo horjeestay aqoonsiga Somaliland.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in gumeystayaashii reer Yurub aysan qabiil wax ugu darin qabiil kale, isla markaana haddii ay go’eyso beesha Isaaq ay la qaadaneyso inteeda oo kaliya.
Israel ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dal madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblumaasiyadeed la samaysatay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya. Dowladda ayaa wacad ku martay inay jawaab ka bixin doonto iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.
Sidoo kale, bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.
Isbaheysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diiddan yihiin aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.
Sidoo kale waxay si adag u diideen tallaabo kasta oo lagu doonayo in si qasab ah lagu barakiciyo Falastiiniyiinta, taasoo ka tarjumaysa dareenka guud ee gobolka ee ku aaddan qorshayaal bilihii lasoo dhaafay la hadal-hayay oo ku saabsan in shacabka Gaza loo raro dhul ka baxsan dalkooda.

