DENI xaq ma u leeyahay dib usoo celinta xubnaha la diiday ee maxkamadda sare?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay ku gacan-seeray go’aankii baarlamaanka maamulkaasi oo iska diiday inuu ansixiyo xubnihii uu soo magacaabay ee maxkamadda sare, isaga oona markale dib usoo magacaabay isla xubnihii ay diideen golaha wakiilada ee Puntland.

Haddaba xaq ma leeyahay DENI inuu soo celiyo xubnaha la diiday ee maxkamadda sare?

 Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo ka mid ah xubnaha diiday ansixinta mas’uuliyiinta maxkamadda sare ayaa faah-faahiyey arrintaasi, wuxuuna markale ka hadlay sababaha ay ku diideen, isagoo shaaciyey inay tahay wax caadi ah oo ka mid ah shaqada baarlamaanka.

“Waa iska caadi shaqada baarlamaanka ayey ka mid tahay markii xubno lasoo gudbiyo golaha wasiirada ha ahaadeen ama maxkamado ha ahaadeen cid kasta oo xasaanad u baahan xubnaha baarlamaanka waa ku kala aragti duwanaadaan,” ayuu yiri xildhibaanka.

Cawil ayaa sidoo kale soo hadal qaaday jawaabta kasoo baxday Saciid Cabdullahi Deni ee ku aadan inuu markale dib usoo celiyey isla xubnihii la diiday, wuxuuna hoosta ka xariiqay in madaxeweynuhu uusan xubnahaas ku soo celin karin golaha inta uu jiro kalafdhigaan.

“Xaqiiqiyan madaxweynaha xubnahan sharciyan dib uguma soo celin karo golaha, inta kalfdhigaan uu jiro,” ayuu markale yiri Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo

Sidoo kale wuxuu sharci darro ku tilmaamay warqadda shalay kasoo baxday madaxtooyada Puntland ee lagu shaaciyey dib u magacaabidda xubnaha maxkamadda sare.

“Laba siyaabood-baa xubnahaan lagu soo celin karaa mid waxaa weeye madaxweynuhu wuxuu leeyahay diidmo qayixan oo isla wareegtadii kusoo celinayo, taas ma uusan isticmaalin ee wuxuu isticmaalay qodobka 90-aad oo ka hadlaaya maxkamadaha iyo garsoorka magacaabistooda, marka waraaqdaan hadda madaxweynaha uu soo qoray ma’aha waraaqad si sharci ah ku timid,” ayuu sii raaciyey xildhibaan Cawil Xasan Daad.

Si kastaba, waxaa shalay codeysay illaa 43 xildhibaan, waxaana ka hor yimid xubnaha maxkamadda sare  11 Mudane, halka ay ka aamuseen 9 xildhibaan, waxayna xubnaha lasoo magacaabay ee Maxkamadda Sare codka kalsoonida ku heli lahaayeen 34 mudane.